Somali News

Soomaaliland oo digniin u dirtay Musharixiinta Puntland.

Hargeysa-KNN-Saleebaan Cali Koorre wasiir katirsan xukuumadda Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu si kulul uga hadlay hadalada Xanafta leh ee ka soo baxaya Musharixiinta Maamulka Puntland ee ka soo jeeda Gobalka Sool.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland aysan musharixiintu hadal waxba kaga qaadi doonin ayna haysato ciidamo iyo hub dhammaystiran oo ay isku difaacdo, isagoona digniin u diray Musharax Genaraal Moorgan.

Sidoo kale Wasiirka oo sii hadlaya ayaa wacad ku maray in Somaliland ay weerar ku qaadayso doorashada maamulka Puntland, islamarkaana waxaa uu sheegay inay gacanta ku soo dhigi doonaan Musharixiin uu ka mid yahau General Moorgan.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa hadalo kulul waxaa jeediyay musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland, iyadoona ku goodinaya in ay la wareegi doonaan Gobalka Sool.

Soomaaliland iyo Puntland ayaa isku haysta Gacan ku haynta Gobalka Sool, iyadoona ay xusid mudan tahay in dhowr jeer ay ku dagaalameen Deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool.