Somali News

Soomaaliland oo si kulul u eedeysay Beesha Caalamka.

Hargeysa-KNN-Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya aysan  diyaar u ahayn wada hadalka soomaaliland, taasina waxaa uu ku tilmaamay mid nasiib daro ah.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliland oo sii hadlaya ayaa si kulul waxaa uu u eedeeyay beesha caalamka, isagoona sheegay in arintaasi ay ka gaabiyeen.

“Dalalka caalamka waxaa ay ka gaabiyeen wixii waajibkooda ahaa oo ah inaynu ka helno aqoonsiga oo aynu xaq ugu leenahay, inagoo si kastaba oo aynu u muujinay qadiyadeena, habeen iyo maalinba, waxaa ayna ka gaabiyeen wadahadalada Soomaliya iyo soomaaliland, waxaynu ugu jirnaa dadaal iyo orodba sidii aynu cid walba ugu qancin lahayn madax banaanideena” waa sida uu hadalka u dhigay.

Dalal badan oo ay ugu horreeyaan kuwa Midowga Yurub iyo hay’ado caalami ah ayaa isku dayaya in ay qayb ka qaataan wadahaddalada u dhexeeya Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Labada dhinac ayaa dhowr jeer oo hore wadahallo ku yeeshay dalalka Jabuuti iyo Turkiga, iyadoo aysan wada xaajoodyadaasi ka soo bixin heshiis wax ku ool ah.