Somali News

Soomaaliland oo War ka soo saartay Hadalkii ka soo baxay Guddoomiye Xaliimo Yarey.

Hargeysa-KNN-Maxamed Muuse Diiriye Wasiirka Wasaarada warfaafinta Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ka jawaabay hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliyeed, kaasi oo ahaa in doorashooyinka qof iyo codka ah ee Somaliya ka dhici doona ay Somaliland ka dhici doonto.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa nasiib darro ku tilmaamay warka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, islamarkaana aan loo meel dayin hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) .

Sidoo kale Waxaa uu wasiirka qoomamo ka muujiyay Wadahadaladii ay la galeen Soomaaliya.

Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yareey) aya  sheegtay in Soomaaliland ay qeyb ka tahay doorashada la filayo in sanadka 2021 ka dhacaan Soomaaliya.