Somali News

Soomaalind oo si kulul ugu hadashay hadal ka soo baxay madaxweynaha cusub ee Puntland.

Hargeysa-KNN-Kadib markii shalay Madaxweynaha la doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu sheegay in dhulka ay ku dagaalayaan Somaliland iyo Puntland ay si sharci ah u leeyihiin Puntland ayaa arintan waxaa si kulul ugu hadlay xukuumadda Soomaaliland.

Wasiirka Biyaha Soomaaliland Saleemaan Cali Kore oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u jawaabay hadalka ka soo baxay Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in hadalka madaxweyne Deni uu yahay wax laga xumaado, islamarkaana waxaa uu sheegay in madaxweynaha cusub ee Puntland uu doonayo in colada kala dhexeyso Somaliland uu sii huriyo.

“Waxaan is leheyn madaxweynaha cusub ee la doortay ee Puntland, wuu ka duwanyahay midkii hore, laakiin kama aynan fileyn in uu sidii midkii ka horeeyay uu isagana colaad u doonayo”.

Soomaaliland iyo Puntland ayaa ku dagaalamaya deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool.