Somali News

Soomaaliya: 138 ruux oo maanta laga helay Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 138 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 5 qof ayaana u geeriyootay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (117) Somaliland (10) Koonfur Galbeed (6) Hirshabeelle (3) iyo Galmudug (2) qof, 89 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 49-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 6,687 waxaa bogsootay 3,784 Ruux. guud ahaan 223 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.