Somali News

Soomaaliya: 15 ruux oo saacadihii la soo dhaafay Coronavirus u geeriyooday

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 257 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 15 qof ayaana u geeriyootay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (255), Hirshabeelle (1), iyo Galmudug (1) ruux. Bukaannada la xaqiijiyay waa 183 waa rag, halka 74-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 5, 889 waxaa bogsootay 3, 757 Ruux. Guud ahaan tirada geerida ayaa gaartey 194 ruux.