Somali News

Soomaaliya oo guul weyn ka gaartay cayaar ka mid ah is reeb-reebka koobka adduunka

Muqdisho-KNN-Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray cayaar ka mid ah kuwa wareegga koowaad ee loogu soo baxayo koobka kubadda cagta adduunka ee 2022-ka.

Soomaaliya ayaa lugta koowaad ee wareegga koowaad ee cayaaraha is-reeb-reebka koobka adduunka ee 2022 waxay 1-0 uga badisay Zimbabwe, cayaartaas ayaa waxay ka dhacday dalka Jabuuti oo matala guriga Soomaaliya.

Lugta Labaad ee cayaarta ayaa sideedda bishan oo ah maalinta axadda ka dhaceysa dalka Zimbabwe.

Soomaaliya ayaa lugta labaad ee cayaartan u baahan inaan laga adkaan ama ay goolal dhaliso, balse aan looga adkaan farqi aan ka badneynd hal gool, si ay ugu gudubto wareegga labaad.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Hambalyo u diray ciyaartoyda iyo macallimiinta Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo 1-0 kaga adkaaday Zimbabwe, kadib ciyaar isreebreeb ah oo ku dhex martay Dalka Djibouti, taasi oo loogu diyaar garoobayo Koobka Adduunka ee 2022 ee ka dhici dalka Qatar.

“Waxaad sharaf usoo hooyseen dalkiinna iyo dadkiinna, waxaana idiin rajeynayaa inaad guul kala soo noqotaan lugta 2-aad ee ciyaartan.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.