Somali News

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shir Madaxeedka wadamada carabta.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxaa uu hoggaaminayaa wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya shir madaxeedka Carbeed oo maanta ka furmaya Caasimadda Tunis ee dalka Tunisia oo ay ka qeybgalayaan Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda Wadamada Carbeed.

Shir madaxeedka Carbeed ayaa looga hadlayaa dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta Falastiin, dhibaatooyinka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo sidoo kale taageeridda Soomaaliya.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay soo gabagabeeyeen kulankooda gogol xaarka ah ee Shir madaxeedka shalay oo Sabti ahayd (30 Maarso) iyagoo isla qaatay adkaynta madax banaanida Suuriya ee dhulka buuralayda Goolan, halkaasi oo Wasiir Axmed Cawad uu ka sheegay in Soomaaliya si dhammeystiran u xushmeyneyso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.