Somali News

Soomaaliya oo ku biirtay ururka bulshada bariga Afrika

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay xubinnimada ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo maanta ay si rasmi ah ugu biirtay, sida lagu shaaciyey kulan ka dhacay magaalada Arusha ee dalka Tanzania oo xarun u ah ururka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan,” maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa.”