Somali News

Suudan iyo Masar oo ku gacan seyray dalabka Itoobiya ee xallinta muranka biyaha Nile

Masar iyo Suudaan ayaa ku gacan seyray codsi uga yimid Itoobiya oo ku saabsan inay soo magacaabaan khuburro ka shaqeyn doono sidii laisku weedaarsan lahaa xogta ku saabsan biyo xireenka Itoobiya kaas oo uu muran badan ka dhashay.

Masar iyo Suudaan waxay Itoobiya ugu baaqeen inay joojiso howlaha ay ku buuxineyso biyo xireenka.

Xogtan ayaa ku saabsan sidii looga hadli lahaa ka hor tallaabada markii labaad ay Itoobiya ku buuxineyso biyo xireenka xilli roobabka la filayo inay ka da’aan halkaas, sida ay sheegtay Itoobiya.

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli wadahadalladii u dambeeyay ee ku saabsanaa muranka ka dhashay biyaha webiga Nile ee u dhexeeyay Itoobiya, Masar iyo Suudaan uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday.

Bishii hore ayay aheyd markii uu ka digay cawaaqib xumo daran ka dhalan karta waa haddii biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile uu saameyn ku yeesho biyaha gaara dalkiisa.

“Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin qof qaadan kara dibic kamid ah biyaha Masar , haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doonaa xasilooni darro aanan la maleysan karin” ayuu yiri madaxweyne Sisi.