Somali News

Taageerayaashii ugu badnaa oo ku qulqulaya Garoonka Eng Yariisow.

Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo meel xasaasi ah maraya  ayaa galabta  waxaa uu ka dhici doonaa garoonka Eng Yariisow ee Magaalada Muqdisho,iyadoona ciyaartan ay tahay mid final ah, islamarkaana ay dhexmari  doontaa kooxaha gobolka Banaadir iyo Galmudug.

Ciyaarahan ayaa xiiso gooni ah u yeelay taageerayaasha kubbada cagta gaar ahaan kuwa u daawasho taga garoonka.

Sidoo kale waxaa jira kumanaan mucaashaqiinta kubada cagta ah oo baraha bulshada iyo telefishenada kala socda ciyaarahani.

Sanadkan ayaa la sheegayaa in tartanka uu ka xiiso badan yahay sanadkii hore.

Waxaa jirra dad Muqdisho u tagay in garoomada u gallaan daawashada ciyaarahani.

Sidoo kale taageerayaasha waxaa ka mid ah siyaasiyiin xiise gaar ah usii yeellay tartanka oo gobolada ay taageeraan ciyaartoydooda ballanqaadyo u sameeyey.

Xifaaltanka ugu weyn waxa uu u dhaxeeyaa dhalinyaro kubada jecel oo baraha bulshada siyaabo kala duwan ugu falanqeeya ciyaaraha Muqdisho ka socda.

Tartankan ayaan la qaban muddo labba sanno ah sabab la xiriirta khilaafka u dhaxeeyay dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaan sannadkaan difaacanaya dowlad goboleedka Jubbaland oo markii u dambeysay ku guuleysatay.