Faalooyin Somali News

Akhriso: Taariikh nololeedka R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo maanta geeriyooday

Hargeysa-KNN-Allaha u naxariistee Cumar Carte Qaalib waxaa uu sanadkii 1930-kii ku dhashay waqooyiga Soomaaliya, isla halkaas ayuuna ku qaatay waxbarashadiisii diiniga iyo maadiga intaba.

Ka hor inta uu u dhoofin dalka Ingiriiska oo uu waxbarashadiisa heerka jaamacadda uu kusoo qaatay sanadkii 1956-kii waxaa uu maamule iskuul ka noqday dugsiyo ku yaallay magaalooyinka Laascaanood Berbera iyo Hargaysa.

Sanadkii 1969-kii waxaa uu noqday Cumar Carte Qaalib Allaha u naxariistee wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya, waxaana uu hayay illaa 1977-kii.

Intii uu wasiirka ahaa sanadkii 1972-kii Cumar Carte waxaa uu noqday madaxweynaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Isla sanadkaas waxaa uu door ka qaatay dhex-dhexaadintii dawladaha Uganda iyo Tanzania oo waagaas uu dagaal ka dhaxeeyay.

Intii uu xafiiska joogay Soomaaliya ayaa ku biirtay ururka jaamacadda Carabta sanadkii 1974-kii.

24-kii bishii Janaayo ee sanadkii 1991-kii madaxweynihii dowladdii xilligaas ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ayaa Cumar Carte u magacaabay ra’iisul wasaarihii dalka, kadib muddo labo sanno ah oo uu xabsi guri Muqdisho ku ahaa.

Intii uusan soo soo dhisin xukuumadiisii waxaa burburtay dowladnimadii dalka, waxaana Muqdisho laga saaray madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Cali Mahdi Maxamed oo isla sanadkaas qabtay xilka Madaxweynaha dalka ayaa dib ugu magacaabay Cumar Carte ra’iisul wasaarihii dalka, waxuuna xilkaas hayey ilaa 1993-kii, balse ma guuleysan dowladaas oo dalku waxa uu cagaha la galay dagaallo sokeeye.

Dhawr mar ayay xukuumadii kacaanku xirtay Cumar Carte, waxuuna xabsi ku jiray muddo 7-sano ah, illaa markii dambe laga dhigay xabsi guri.

Sanadkii ay Soomaaliya ku jirtay burburka waxa uu ku noolaa dalka dibadiisa, isagoo sanadihii u dambeeyey ku noolaa magaalada Hargeysa oo uu ku geeriyooday maanta.