Somali News

Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo loo ogolaaday Talyaaniga

Muqdisho-KNN-Hey’add u gurmata dadka ay doonyaha kula ciladoobaan badda u dhaxaysa Yurub iyo Afrika ayaa badbaadisay tahriibayaal doonaya in ay Yurub galaan, waxeyna shaacisay hey’addaas in ay fasax u heshay in dekadd ku taala dalka Talyaaniga geeyaan dad saaran markab ay maamulaan.

Dadka loo fasaxay in ay gudaha u galaan dalka Talyaaniga ayaa gaaraya 82 ruux, waxaa ku jira muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga bad baadiyay badda Melatereniyaanka.

Tahriibayaashaas ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed oo saarnaa markab lagu magacaabo Ocean Viking ayaa la gayn doonaa dekedda magaalada Lambadusa, waxaana laga sii daad gurey doonaa halkaas.

Warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee qeybta ka ah tahriibayaasha la badbaadiyay ay ku jirto gabar yar ooh al sano jir ah iyo hooyadeed.

Muddo ka badan 2 todobaad ayuu markabkaan ay saaran yihiin tahriibayaasha Afrikaanka ah, waxa uuna mudadaas dul heehaabayey biyaha dalka Talyaaniga, waxayna mudadaas xukuumadda Talyaanigu diidaneed in markabkaas uu ku xirto dekedaha dalkaas.