Somali News

Taliska Booliiska oo sheegay ‘in lagu raad-joogo nin xaaskiisa dilay’

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay kiiska haweeney uu xalay seygeedii ku dilay degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska, Sadiiq Aadan Cali  sheegay in lagu raad joogo eedeysanaha lagu tuhmayo inuu dilay Xaaskiisii, kaas oo macalin ka ahaa mid kamid ah Iskuullada Muqdisho.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa sheegay in booliiska wadaan baaritaanka kiiska gabadhii meydkeeda laga dhex helay guriga waalidkeed uu meel fiican marayo oo loo soo qabtay dad lala xiriirinayo falkaas, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

Ugu dambeyntii Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in markii lasoo gabagabeeyo baaritaanka labadaas kiis ee lagu dilay gabdhaha ay natiijada la wadaagi doonaan hey’adaha cadaaladda dalka.