Somali News

Taliska Booliiska Soomaaliya oo hakiyay shaqadii Hey’adda CID-da

Muqdisho-KNN-Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in muddo Seddax maalmood la hakiyay shaqadda xarunta Hey’adda dambi baarista ee CID si dib u habeyn loogu sameeyo, maadaama shacabka Soomaaliyeed dhibaato badan ay ku qabaan.

Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Booliska Gen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegay in Seddax maalmood shaqadda xarunta la hakiyay si looga jawaabo cabashadda ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

“Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno” ayay tiri taliye Gen. Zakiya Xuseen.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmo ka hor ay Idaacadda Kulmiye warbixin ka diyaarisay musuqa iyo wax is daba marsiiska ka jira shaqada ay hey’addaasi uga baahdaan shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan ka Daawo warbixinta oo intaas ka dheer:-