Somali News

Taliska Booliiska Soomaaliya oo war kasoo saaray xariga Wasiir Janan.

Muqdisho-KNN-Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Booliska  Gen. Zakiya Xuseen Axmed oo maanta qoraal kooban kusoo daabacday barteeda Twitter-ka ayaa xaqiijisay in Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu ku jiro canta ciidanka Booliska, iyadoo sheegtay inay baaritaano ku socdaan.

“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus, kiiskaas oo hada ay baarayaan ciidanka boliiska,” ayey tiri Taliye ku xigeenka labaad ee Booliska Gen. Zakiya.

Warqad kasoo baxday Maxkamadda gobolka Banaadir bishii april ayaa lagu sheegay in la baabi’yey dacwadii loo heystay wasiir Janan.

Janan ayaa loo heystaa dad la sheegay inay dileen ciidamo isaga ka amar qaadanayey.