Somali News

Taliska booliska Beledweyne oo soo saaray amarro ka kooban seddax qodob

Beledweyne-KNN-Taliyaha ciidanka booliska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Maxamed Maxamuud Rooble ayaa soo saaray amarro lagu soo rogay gaadiidka ka baxaya iyo kan soo gelaya magaalada Beledweyne.

Amarradan kasoo baxay taliska booliska magaalada Beledweyne ayaa ka kooban seddax qodob oo kala ah:

1 -Dhamaan gaadiidka xamuulka qaada waxaa la amrayaa in aysan soo geli karin magaalada ka hor 4:00 pm ama 10:00 galabnimo.

2 -In wax gaadiid ah aan la hor dhigi karin ama baakin loo ogoleyn Isbitaalka weyn ee magaalada hortiisa iyo sidoo kale inta u dhaxeysa bacadlaha ragga ilaa siliga laga galo xarunta Lamagalaay.

3 -Lama ogola gaadiid ay ku dhaganyihiin muraayadaha madoow ee Beensalka loo yaqaano, kaas oo aan haysan warqadda ogolaanshaha ee hey’adaha ammaanka.

Bulshada ku nool magaalada Beledweyne iyo gaadiidleyda ayaa qoraalkaan looga dalbaday inay dhaqan geliyaan amarradaan, iyadoo cidii u hogaasami weysa amaradaan laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, sida ku cad qoraalkan.

Amarkaan kasoo baxay taliska booliska magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadayaa, iyadoo ay fooda nagu soo heyso bisha barakeysan ee Ramadaan, xilligaas oo laga baqo in kooxaha ka soo hor jeeda dowladda ay weerarro geystaan.