Somali News

Taliska Booliska oo shaaciyey in dad loo soo qabtay dil laba caruur ah loogu geystay Baydhaba

Baydhaba-KNN-Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray laba caruur ah oo aacadihii la soo dhaafay meydkooda laga helay xaafad ka tirsan magalaada Baydhaba ee gobolka Bay.

“07th-Apr-2021, ayaa Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, lagu soo wargeliyay in la waayay 2 caruur ah oo deganaa Xaafada Cadaada ee Magaalada Baydhabo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.

Caruurta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray, Cabdimuni Sheekh Aweys Cabdulahi iyo Aamina Sheekh Aweys Cabdullahi waxayna kala ahaayeen 7-jir iyo 9-sano jir.

Qoraalkan ayaa lagu sheeciyey in meydadka caruurta oo gowracan la soo dhigay xaafada Suuqa-Xoolaha ee magaalada Baydhaba.

Taliska ayaa sidoo kale qoraalkan ku shaaciyey inay socoto baaris qoto-dheer oo ay wadaan ciidanka Boliisku, iyadoo dad lagu tuhmay loosoo xiray arrintaan.