Somali News

Taliska ciidanka Asluubta oo war ka soo saaray khasaaraha nafeed ee weerarkii Xabsiga Dhexe (Daawo)

Muqdisho-KNN-Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa goor dhaw shaaciyey tirada dadkii ku dhintay weerarkii ka dhex dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Afhayeenka ciidamada Asluubta Soomaaliya G/Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tirada guud ee dhamashada weerarkaas ka dhalatay ay tahay 19-qofood, halka sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

15 ka mid ah 19-kaas qof waa maxaabiistii xabsiga ku xirneyd, halka afarta kelena ay askar ahaayeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen todoba qof oo kale kuwaas oo ka mid ahaa maxaabiistii xabsiga dhexe ku jirtay.

Dhaawacyada askarta ilaalada xabsiga ayuu sidoo kale ku sheegay hal askari.

Halkan hoose ka Daawo