Somali News

Taliska Ciidanka Xoogga oo faah faahin ka bixiyay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Shabeellow

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku billaawday oo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen Deegaanka Shabeeloow ee Gobalka Mudug.

Taliska Ciidamada Xooga ayaa ka hadlay dagaalka ay ka galeen dagaalameyaasha Al-shabaab, waxaa ay yiraahdeen

“Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyada xaq-udirka deegaanka ayaa ka hortegay qorshihii maleeshiyaadka naf la caariga ah, waxaana dagaalka looga dilay in ka badan 21 maleeshiyaad ah, waxaana laga gubay 4 gaari oo mid ka mid ah uu yahay gaari Biijii ah”.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in xogta weerarka ay hore u hayeen, isla markaasna ay u soo gudbiyeen dadka deegaanka.