Somali News

Taliska CXDS oo war ka soo saaray weerar ka dhacay Shabeellada Dhexe

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa ay kaga hadleen dagaal qorsheysan oo xalay ay ku qaadeen deegaanka Xaaji Cali oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliska ayaa sheegay in xalay abaare 2:00am Saqdii dhexe ay weerar qorshaysan ku qaadeen deegaanka Xaaji Cali, kadib markii ay jid gooyo u sameeyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo damacsanaa in ay halkaasi dagaal ka gaystaan.

Talisku waxa uu sheegay in ay baacsadeen Shabaabkii damacsanaa in ay weerar gaystaan, iyagoo dib u gurtay oo ay la gaareen Tuulooyinka Geel Gub iyo Masjid Cali Gaduud.

War saxaafadeedka ayaa Talisku waxa uu ku shaaciyay khasaaraha soo kala gaadhay labada dhinac, iyagoo sheegay in dagaalamayaasha Al Shabaab ay ka dileen 15 dagaalame halka 26 kalena ay ka dhaawacmeen