Somali News

Taliska NISA oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubin ka tirsan Al-shabab.

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska  Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ammaanka howlgal ay ka sameeyeen degmada Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose  lagu soo qabtay Xubin ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

NISA ayaa ayaa sheegtay in howlgalka uu ahaa  mid qorsheysan, islamarkaana lagu soo qabtay Xubin Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha.

“Ciidanka amniga oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe AS ah oo shacabka ka qaadi jiray lacag baad ah. Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo xubnaha AS” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Taliska NISA ayaa maalmihii dambe waxaa ay bartooda Twitter-ka ku qorayeen Wararka ku aadan in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gacanta ku soo dhigeen.