Somali News

Taliska NISA oo sheegay in ay soo qabteen xubin ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho-KNN-Qoraal lagu daabacay Twitter-ka Hey’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen xubin ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Howlgal ciidmada amnigu ka fuliyeen Deg. Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay dhagarqabe ka tirsan Al Shabaab.
Ciidanka amniga ayaa laba jibbaaray howlgallada ka dhanka ah xubnaha argagixisada ah ee AS iyo ISIS,” ayaa lagu yiri qoraalka Hey’adda NISA.

Majiraan faahfaahino intaasi ka dheeri ah oo NISA ay ka bixisay Ninkaas ay sheegeen in ay ka soo qabteen degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.