Somali News

Taliyaasha Milateriga iyo Booliiska oo kormeeray Ciidamo loo diyaariyay dagaalka Jubbooyinka.

Kismaayo-KNN-Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe Taliyaha Milateriga Soomaaliya iyo Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa kormeeray Taliska Guutada 11-aad qaybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ee Gobalada Jubbooyinka.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in loo diyaarinayo dagaal ka dhan Al-shabaab kaas oo ka dhacaya Gobalada Jubbooyinka meelaha ay ka joogaan Al-Shabaab sida lagu sheegay hadal ay Jeediyeen Saraakiisha maanta booqday xaruntaasi.

Gen Indha Qarshe ayaa Ciidamada iyo Saraakiisha halkaasi ku sugan kula dar-daarmay in dalkooda ay u dhintaan daruuf kasta oo soo wajahda. Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay in ay daadajiyaan dadaalada Al-shabaab looga saarayo Jubbooyinka.