Somali News

Taliyaha ciidanka Sudan oo gaaray xadka Itoobiya

Taliyaha ciidanka Sudan Lt Gen Maxamed Cusman Al-Xuseen ayaa maanta gaaray xuduudka Sudan ay Itoobiya la leedahay.

Saxaafada Sudaan ayaa sheegtay in dhawaanahan ay xuduuda ka jirto qalaalaso ay wadeen ciidanka Itoobiya iyo maleeshiyo Itoobiyaan ah kuwaas oo dad rayid ah ku laayay deegaanka bariga Sudaan.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo xiisada xadka ku saleysan ee u dhaxeysa labada dal ay iminka gaartay meel adag.

Itoobiya ayaa Sudaan ku eedeysay in ay ku xadgudubtay dhulkeeda halka Sudaan ay sheegtay in ay soo ceshatay xuduudeeda caalamiga ah ee la aqoonsanyahay. Labada dal ayaa isku haya dhulka beeraha hodanka ku ah ee  Al-Fashqa.