Somali News

Taliyaha ciidanka xoogga oo dagaalka Al-shabaab kala hadlay dhigiisa dalka Qadar

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo casuumaad Rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Qatar Sareeye Guud Salem Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Qatar.

Labada Taliye ayaa ka wada hadlay arimaha saldhiga u ah xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Dowladood, Soomaliya iyo Qatar.

Waxaa si weyn labada Taliye ay uga hadleen sidii loo xoojin lahaa Taageerada Ciidamada XDS oo dhinac kasta leh, Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo in sare loo qaado Deeqaha waxbarasho ee la siiyo Saraakiisha Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin caddow ayaa si gaar ah uga mahad-caliyay Dowladda Qatar kaalinteeda kaga aadan dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyed, waxuuna balan qaaday in xariirka labada dal uu ahaan doono mid sii xoogaysta.

Intaa ka dib Taliyaha Ciidamada Milateriga Dalka Qatar Salem bin Hamad bin Mohammed bin Aqeel Al Nabit ayaa dhigiisa Soomaaliya ku soo wareejiyay Kulliyadaha Ciidamada ee dalka Qatar