Somali News

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga oo maanta xilka la wareegay

Muqdisho-KNN-Taliyaha cusub ee ciidanka xogga dalka ayaa maanta waxaa uu si rasmi ah xilka taliyenimo kala wareegay talyihii ka horeye C/wali Jaamac Gorod,kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashandhigga.

Sidoo kale waxaa isna maanta xilka wareejiyay C/laahi Cali Caanood oo ahaa Ammaan-duulihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya waxaana uu xilkaas ku wareejiyay Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo dhawaan xilkan uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Xafladda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ku-xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah Taliyeyaasha ciidamadda qalabka sidda ee soomaaliya.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Daahir Aadan Calmi (Indha qarshe) ayaa balan qaaday inuu wax badan ku soo kordhin doono taliska ciidanka xoogga dalka islamarkaasina la dar dar galin doona howlaha ciidanka xogga dalka.

Waxa uu sidoo kale carbaabay in uu yagleeli-doono ciidammo qaran oo guud ahaan dalka ka saara Dagaalamayaasha Al Shabaab.

Wasiirka Wasaarada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ( Amar dambe) ayaa kula dardaarmay taliyaha iyo Ammaan-duulihii cusub ee Ciidanka xogga dalka in ay lasoo baxaan howl karnimo.

Taliyaha cusub ee ciidamada xogga dalka ee manta xilka la wareegay ayaa hore xilkan usoo qabtay 2013-kii ilaa 2015-kii.