Somali News

Taliyaha xoogga oo ka war bixiyey howlgal lagu dilay madaxii Al-Shabaab ee deegaanada …

Awdheegle-KNN-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Taliye Odawaa waxa uu sheegay in sarkaalkaas uu Al-Shabaab u qaabilsanaa deeganada Awdheegle, Mubaarak iyo Daarusalaam oo ka wada tirsan gobolka Shabeellada Hoose

Magaca sarkaalka laga dilay Al-Shabaab waxaa lagu sheegay Cismaan Gaab, waxaana lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay militeriga Soomaaliya ka fuliyeen duleedka Awdheegle.

Taliyaha ururka 66-aad ee Guutada 14-ka Oktoobar Gaashaanle Axmed Maslax Xuseen ayaa shalay sheegay in duleedka isla degmada Awdheegle ay ku dileen ku dhawaad 10 dagaalame iyo sarkaalkii hoggaaminayey oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Halka lagu dilay xubnahaas Shabaab ka tirsanaa ayaa 6-KM oo kaliya u jirta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna sheegeen in sarkaalkaas lala dilay sideed xubnood oo kale, kuwaas oo ka tirsanaa Al-Shabaab.