Somali News

Taliye Koofi oo Turkiga kala hadlay horumarinta hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Muqdisho-KNN-Maxamed Aadan Koofi Agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa kulan dalka turkiga kula qaatey ku simaha agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka dalka Turkey waxayna kawada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen agaasimaha guud wasaaradda amniga, u qeybsanaha socdaalka iyo masuuliyiin kale oo ka socdey safaaradda Soomaaliya ayaa looga wada hadley iskaashi laga yeesho socdaalka, isdhaafsiga xogaha iyo khibradaha.

Turkiga ayaa isku dayaya inuu talooyin iyo waayo aragnimo ku biiro masuuliyiinta hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ka soo kabanaya dhibaatadii gaartay. Taliye Koofi ayaa mudadii uu ku sugnaa Turkiga waxa uu booqday Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga isgaoo kulamo la qaatay masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.