Somali News

Taliye Xijaar oo shaaciyay in garoonka aadan Cadde lagu qabtay lacag ka timid Kenya

Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa maanta gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timid dalka Kenya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in baaritaan dheeri ah xilligan ciidanku ku hayaan dhacdadan, ayna la wadaagi doonaan bulshada.

“Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan” ayuu yiri Taliyaha Booliska.