Somali News

Taliyihii ururka 6-aad ee Gorgor oo lagu dilay dagaal ka dhacay shabeellada dhexe

Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab Faarax oo ahaa taliyihii ururka 6-aad guutada Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa galabta lagu dilay dagaal u dhexeeyay ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe.

Dilka sarkaalka waxaa xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe oo yiri “Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab galabta ayuu geeriyooday isaga oo cadawga la dagaalamaya oo dalkiisa iyo dadkiisa difaacaya”.

Gaashaanle Maxamed Cabdiwahaab oo ahaa sarkaal dhalinyaro ah ayaa ka mid ahaa ciidamo dhawaan tababar ku soo qaaday dalka Turkiga.

Geerida marxuum Cabdiwahaab ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo baraha bulshada ee Soomaalida.

Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday dagaalo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab.