Somali News

Tirada dhimashada Falastiiniyiinta ee duqeymaha Israa’iil oo sii kordheysa

Tirada dhimashada Falastiiniyiinta ayaa sii kordheysa, xilli ay Israa’iil ay dib u billaawday duqeymaha ay ka gaysaneyso magaalada Qaza. 

Wasaaradda Caafimaadka Qaza ayaa sheegtay in tirada geerida ay kor u dhaaftay 109 iyadoo boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay dagaalka dib uga soo cusboonaaday Qaza, iyada oo uu joogsaday gargaarkii bini’aadantinimo.

Dhinaca kale,  Ururka Xamaas ayaa sheegay in ay tiro gantaalo ah la beegsadeen magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, iyaga oo tilmaamay in uu khasaare ka dhashay.

Xabad joojinta ayaa burburtay, waxaana dunida ay ka walaacsan tahay xaaladda adag ee shacabka Falastiin.