Somali News

Tirada geerida Falastiiniyiinta ee Qaza oo kor u dhaaftay 13 kun

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Qaza ayaa sheegtay in 13,000 oo qof ay hadda ku dhinteen dhulka falastiiniyiinta tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil.

Israa’iil ayaa olole aargoosi ah ka billowday Qaza ka dib markii dagaalyahannada Xamaas ay ka gudbeen xadka Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof in ka badan 200 oo qofna ay qafaasheen.

Waxaan si joogto ah uga warbixinay tirada dhimashada ee Qaza, asxaabteena BBC Verify ayaa sharaxay sida dadka dhintay loo tiriyo.