Somali News

Tirada tahriibayaashii ku dhintay xeebaha Jabuuti oo korortay

Ugu yaraan 42 qof ayaa geeriyooday markii doon ay maamulaan tahriibiyeyaal oo sidday 60 muhaajiriin ah oo kasoo cararay dagaalka Yemen ay gaddoontay ayada oo kusii jeeda Jabuuti, saacadihii hore ee Isniintii shalay.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ee IOM oo xogtan shaaciyey ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. Sidoo kale ma cadda sababta keentay in doontu ay la gaddoonto dadkaan.

Sanad kasta, tobanaan kun oo ah muhaajiriin da’yar oo African ah oo kasoo jeeda gobolka ayaa gala safar halis badan oo ay kaga tagayaan Soomaaliya iyo Ethiopia, ayaga oo sii maraya Jabuuti iyo Yemen, si ay u gaaraan dalalka Khaliijka oo ay ka raadinayaan nolol wanaagsan.

Cudurka COVID-19 ayaa ku qasbaya kuwa badan oo ayaga oo ka mid ah inay dalalkooda kusoo laabtaan sababo la xiriira xuduudaha dalalka Khaliijka oo la xiray.

Iyadoo ay jirto halistan, hadana waxaa weli sare usii kacaya muhaajiriinta imaanaya Jabuuti. Bishii March, qiyaastii 2,343 oo muhaajiriin ah ayaa ka yimid Yemen, taasi oo ka badan tirada bishii Febraayo oo aheyd 1,900.

Badankood waxay isku dayayeen inay ku laabtaan dalalkooda Ethiopia iyo Soomaaliya. Bishii tagtay, tahriibiyayaal ayaa doon ka tuuray 80 qof, meel u dhow xeebaha Jabuuti, waxaana ku dhintay ugu yaraan 20 qof.