Somali News

Tiro dad ah oo ku dhintay dhismo ku dumay Wadanka Nigeria

Dhisme saddex dabaq ah ayaa ku dumay magaalada Lagos ee xarunta ganacsiga Nigeria, waxaana ku dhintay ugu yaraan shan qof, halka qaar badan laga cabsi qabo inay ku xanniban yihiin, sida ay sheegeen Saraakiisha gurmadka.

“Labaatan iyo saddex qof ayaa la badbaadiyay iyagoo nool oo ay ku jiraan toddobo carruur ah iyo 16 qof oo waaweyn,” ayuu yiri Ibrahim Farinloye oo ka tirsan Hay’adda Maareynta Xaaladaha Degdegga ah ee Qaranka Nigeria Isniintii.

“Sagaal ka mid ah dadka la soo badbaadiyey iyagoo nool ayaa la daweeyey oo laga saaray.” Dadka dhintay waxaa ka mid ah haweeney iyo wiil ay dhashay, ayuu yiri Farinlooye.