Somali News

Tiro hoobiyeyaal ah oo ku dhacay Suuqa Bakaaraha

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya hoobiyeyaal manta ku dhacay xarruumo ganacsi 00 ku yaalla Suuqa Bakaaraha. Muuqaallo lagasoo duubay goobta ayaa lagu arkayay dad dhaawac ah oo dalbanaya caawimaad.

Weli lama oga in ay dadi ku dhinteen. walow isbitaalada loola cararay dad qaba dhaawacyo culus oo kasoo gaaray hoobiyaasha ku dhacay suuqa Bakaaraha.

Guud ahaan suuqa Bakaarahaha ayaa albaabada loo laabay, Lamana oga cidda ka dambeysa hoobiyayaasha, inkastoo magaalada Muqdisho aanay ku cusbayn hoobiyayaasha oo awal u badnaa dhinaca ay ku badan yihiin xarumaha dowladda.