Somali News

Tobonaan Falastiiniyiin ah oo ku dhaawacmay rabshado ka dhacay marinka Gaza

Muqdisho-KNN-Ciidamada Yahuuda ayaa toogasho ku dilay ruux Falastiini ah halka tobanaan kalana ay dhaawacmeen kadib dibad bax rabshado wato oo ka dhacay marinka Gaza.

Wasaarada caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ruuxa dhintay lagu magacaabi jiray Cabdullahi Cabddi Al-aal oo 24 sano jir ahaa.

Isku dhacyadan ayaa imaanaya xilli Israel iyo Falastiin isniintii aynu soo dhaafnay ay gaareen heshiis xabad joojin ah.

Guud ahaan dadka ku dhaawacmay dibadbaxii shalay ka dhacay Gaza ayay Wasaarada Caafimaadku ku sheegtay in ay gaarayaan illaa iyo 30 ruux oo Falastiiniyiin ah.

Tan iyo markii ay bilawdeen moojadaha dibadbaxyada bishii March ee sanadkii hore waxa ay ciidamada Yahuudu dileen 275 dibadbaxyaal falastiiniyiin ah halka 17,000 oo ruux oo kalna ay ku dhaawacmeen.