Somali News

Tobonaan ruux oo ku dhimatay weerar kadhacay xabsi ku yaalo dalka Tajikistan.

Muqdisho-KNN-Weerar ka dhacay xabsi si wayn loo ilaaliyo oo ku yaalo gudahada dalka Tajikistan ayaa waxaa ugu yaraan ku dhimatay 32 ruux oo ay kamid yihiin sadax katirsan waardiyaashii xabsiga iyo 29 ruux oo kale oo ahaa maxaabiistii xabsiga.

Kooxda weerarka geesatay oo qaarkood ku hubaysnaa midiyo ayaa lasheegay in qaar kamid ah ahaayeen xubno katirsan dagaalamayaasha Daacish.

Wasiirka cadaadala Tajikistan ayaa sheegay in weerarkan shalay galinkii dambe uu kadhacay xabsi kuyaalo magaalo 10 kilometer dhanka bari ka xigta caasimada dalkaasi ee Dushanbe.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ciidamada amaanku ay dileen 24 kamid ah maxaabiistii halkaasi ku xirnaa iyadoona xabsigaasi ay ku jiraan maxaabiis gaarayso 1,500.

Waa weerarkii labaad ee ugu qasaaraha badnaa ee kadhaca xabsi ku yaalo dalkaasi mudo lix bilood gudaheed ah.

Bishii November aynu kasoo gudubnay ayay ahayd markii 21 maxaabiis ah iyo labo waardiye ay ku dhinteen weerar kadhacay xabsi ku yaalo waqooyiga Tajikistan waxaana masuuliyada weerarkaasi sheegatay kooxda Daacish.