Somali News

Toogasho ka dhacday Kaniisad ku talla magaalada Lyon ee dalka Faransiiska

Lyon-KNN-Booliska dowladda Faransiiska ayaa xaqiijiyey in Baadari ka tirsan mad-habka Orthodox-ka lagu dhaawacay toogasho ka dhacday magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.

Xogta laga helay weerarkaas waxay sheegeysaa in qofkii fuliyey uu goobta isaga baxsaday.

Wasiirka arimaha gudaha Faransiiska, ayaa qoraal uu Twitter-ka ku daabacay waxa uu ku sheegay in dhacdo halis ah ay haatan dhacday.

Hasa yeeshee wasiirku ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo intaas dheer.

Toogashadu waxay dhacday qiyaastii 4-tii galabnimo wakhtiga Faransiiska, makraas oo Baadarigu uu kaniisada xirayey, sida ay werisay warbaahinta maxaliga ah.

Qof ka tirsan booliska oo wakaaladda wararka ee AFP ay soo xigatay ayaa sheegay in ninka weerarka geystay sitay ‘qori shoodh-gan ah’.

Wararka waxa ay intaas ku darayaan in xaaladda caafimaad ee Baadariga la dhaawacay ay aad u darantahay, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha dalkaas Faransiiska.

Dadka aan Islaamka aheyn ee dalka Faransiiska waxaa soo wajahday cabsi aad u badan kadib markii caro xoog leh ay ka dhalatay hadal uu dhawaan uu madaxweynaha Faransiisku ugu gefey Nebi Muxamed NNKH.