Somali News

Dibad baxyo ka socda Mareykanka, kadib toogasho ka dhacday

Dibadbaxyo ayaa ka billowday gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka kaddib markii ay boolisku toogteen nin madow ah, kaasoo ay rasaas badan la dhaceen xilli ay sheegeen inay ka fal celinayeen dhacdo la xiriirta qoys.

Ninka la toogtay, oo magaciisa lagu sheegay Jacob Blake, ayaa isagoo ay xaaladdiisu aad u liidato ku jira isbitaalka.

Mas’uuliyiinta Kenosha ayaa ku dhawaaqay bandow deg deg ah oo magaalada la saaray xilliga habeenkii ah, maadaama uu qalalaase xoog leh ka dhashay toogashadaas.

Boqollaal qof ayaa habeenimadii ay Axadda sii baxeysay isugu tagay saldhigga booliska. Gawaari badan ayaa dab la qabadsiiyay, mudaharaadeyaashana waxay ku dhawaaqayeen “Dib uma dabi doonno”.

Ciidamada amniga ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday boqollaal ruux oo mudaharaadayay, si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha ku gacan seydhay amarka bandowga.