Somali News

Trump oo beeniyay in duqeyntii Iran lagu dilay Askar Mareykanka ah

Madaxweynaha Maraykanka oo hadda Jeediyay hadal aad loo wada sugayay waxaa uu sheegay in aanuu qofna kaga dhiman dhaawacna jirin gantaalihii ay ku garaacday Iran saldhiggooda Ciraaq.

Wuxuu aad u amaanay nidaamka gantaalaha ka hortaga iyo feejignaanta Ciidanka Maraykanka ay qabeen ka hor weerarka.

Wuxuu ku celiceliyay inuu dhammaaday wakhtigii Iran ay cagojuglayn iyo Qalalaase ka wadi  lahayd  Gobolka bariga dhexe.

Wuxuu ku adkaystay in Jeneraalkii uu amray in la dilo Qaasim Suliaymani, uu ahaa nin ka shaqeeyay  fidmooyin badan oo ka dhan ah Maraykanka.

Iran ayaa dhankeeda ku hanjabaysa inay soo afjarayso joogitaanka maraykanka ee gobolka.