Somali News

Turkiga iyo Qatar oo ka hadlay guusha MD Xasan Sheekh

Dowladda Turkiga ayaa fariin hambalyo ah la wadaagtay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Warqad kasoo baxday safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Turkiga ay sii wadi doonto taageerada dhinaca amniga iyo horumarka dalka.

Safiirka Turkiga ee Muqdisho ayaa la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ku cad sawir lasoo dhigay barta Twitter-ka.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa u dhignaa sidaan “Honored to pay a courtesy visit to H.E. Hassan Sheikh Mohamud @HassanSMohamud, newly elected President of the Federal Republic of Somalia. We congratulated H.E. President for his reelection and reiterated that, is determined to continue its support to in all fields.”

Dhinaca kale, dowladda Qatar ayaa u hambalyeeysay Xasan Sheekh isla markaana sheegtay inay sii xoojin doonto xiriirka iskaashi ay la leedahay Soomaaliya.

Qoraalkaan hoose waxaa lagu daabacay warbaahinta dowladda waxaana lagu yiri “The Amir of #Qatar Tamim bin Hamad Al Thani and his Deputy have congratulated @HassanSMohamud on his election as President of the Federal Government of Somalia.”