Somali News

Turkiga oo mar kale ka hadlay heshiiska badda ee Soomaaliya

Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka taageereyso dhanka ammaanka,  isla markaasna la sugi doono Amniga badda Soomaaiya.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga oo faahfaahin ka bixiyay heshiiska ayaa sheegay in Ankara ay tababar siinayso ciidamada Soomaaliya in ka badan toban sano.

Mas’uulkan ayaa sheegay in heshiiskan looga gol leeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Annaga oo ixtiraameyno madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxa aan ka caawin doonnaa sidii ay u horumarin lahayd awooddeeda si ay ula dagaallanto falalka sharci-darrada ah iyo kuwa aan caadiga ahayn ee ka socda baddeeda.” – ayuu yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga.

Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya ayaa la saxiixay horraantii bishan, waxaana magaalada magaalada Ankara ku saxiixay wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo dhigiisa Turkiga.

Golaha Wasiiradda iyo labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay maalintii arbacada, iyada uu saxiixay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.