Somali News

Turkiga oo si adag uga hadlay weerarkii Jeneraal Goordan

Dowladda Türkiye ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii shalay lagu beegsaday xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Türkiye ayaa lagu yiri: “Waxaan aad uga xunnahay khasaaraha ka dhashay falkii argagixiso ee shalay (February 10) ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo soo gaaray ciidamada Milateriga ee ku howlanaa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen amniga Soomaaliya”.

Dowladda Türkiye ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarka, iyo shcuubta dalalka Soomaaliya, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn.

Dowladda Türkiye ayaa warsaxaafadeedka ay maanta soo saartay ku xaqiijisay in shacab & dowladba ay garab taagan yihiin Soomaaliya ayna sii wadi doonaan taageerada amniga, xasiloonida iyo barwaaqada dalka.