Somali News

Ugaas Xasan oo Faras Guddoonsiiyey RW Kheyre

Gurceel-KNN-Ra’iisul Wasaare Khayre oo galinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Guriceel ayaa guriga uu ka daganyahay magaalada waxa uu ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur.

Ugaaska iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay dowrka dhaqanka ee gogosha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ee taala Dhuusamareeb iyo dhismaha maamulka cusub.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dadaalada uu ka wado deegaanada maamulka Galmudug, kaas oo uu ku sheegay dib u yagleelida maamul cusub oo ay Galmudug yeelato, iyadoo gabagabadii kulankaas uu Ugaasku Faras guddoonsiiyey  Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo uu sheegay in uu u hadiyeeyay.

Sawirro:-