Somali News

Uganda oo askar Howlgab ah u soo diraysa Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay uyeertay boqolaal askari oo horay hawlgab uga noqday shaqada qaran ee dalkaasi kuwaas oo ladoonayo in loosoo diro gudaha  Soomaaliya.

Wasaarada gaashaandhiga Uganda ayaa ku sheegatya in tirada askarta loo yeeray ay gaareeso 2,752 askari oo qorshu yahay in loo soo Soomaaliya si ay qayb kaga noqdaan hawlgalka Amisom. 

Taliyaha ugu sareeyo ciidamada kaydka dalka Uganda Janaral Charles Awany Otema ayaa sheegay in ciidamada loo yeeray ay yihiin kali ah kuwa hawlgabka ah oo horay shaqada uga fariistay.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada loo yeeray ay yihiin kuwa da’doodu ka hooseeso 55 sano jir darajadooda ciidan’nimana ay ku egtahay ama ay ka hooseeso darajada Gaashaanle.

Ma’ahan markii ugu horeesay oo ay dowladda Uganda u yeertay ciidamadeeda hawlgabka noqday, waxaana sidaanoo kale oo ay horay u sameesay sanadkii 2012’kii, Markaas oo ay ka qayb qaateen hawlgalo badan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.