Somali News

Dowladda Uganda oo wajaheysa xaalad adag

Uganda oo kamid ah dalalka ay dowladdu si weyn ula dagaallanto sicir bararka ayaa hadda shacabkiisu waxa ay wajahayaan xaalad adag, kadib markii qiimaha quutul daruuriga uu sare u kacay ku dhawaad 5%.

Dadka Uganda ayaa ku qasbanaaday inay iska dhaafaan cunnooyinka qaar, maadaama aysan iibsan karin.

Dr. Ibraahim Kasire oo ka tirsan xarunta cilimi baarisata , siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa sheegay in ay dowlda waxba ka qaban karin xaaladda dhaqaale ee uu haatan wadanka ku jiro.