Somali News

UK oo malaayiin Dollar ugu deeqeysa Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Dowladda UK ayaa sheegtay in ay 8 million oo dollar uga qayb qaadaneeyso kaaladda Soomaaliya ee lagu taageerayo dadka ay Abaartu saameeysay.

Lacagtaas ayaa UK waxaa ay ugu talo gashay in lagu bixiyo cunnada, Nafaqadda, biyaha Nadiifka ah, caafimaadka aasaagiga ah  iyo talaalka xoolaha. Taageero dheeri ah ayaa muhiim ah in la yareeyo saameeynta Abaarta ee xilligaan.

Kumanaan qoys ayaan ka soo kabsan dhibkii gaaray Abaartii 2017kii waxayna hadda wajahayaan abaar kale oo laga cabsi qabo in ay ka darantahay midii ay labo sano ka hor soo mareen.

Labo xilli roobaad oo guul darreeystay iyo cimiladda oo xumaatay ayaa keenay in hoos u dhac weyn uu ku yimaado dalagii dalka kasoo go’i jiray. Xafiiska Qaramadda Midoobay ee isku xir-ka arrimaha gar-gaarka ayaa ku qiyaasay adka Soomaaliyeed ee hadda u baahan gar-gaarka 5.4 million oo ruux oo ugu yaraan 2.2 million oo ka mid ah aysan raashin heli Karin.

20kii Bishaan ayaa ayaa heey’adaha gar-gaarka ee Soomaaliya ka shaqeeya waxay sheegeen in loo baahanyahay 71 million oo doolar si dad badan loo gargaaro.

Isla bishaam May Wasaaradda Gar-gaarka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Abaar daran ay dalka ku soo socoto, loona baahanyahay in kaalo banii aadanimo oo looga hortago.