Somali News

UK oo safiir cusub usoo magacaawday Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Ben Fender, ayaa loo magacaabay Safiirka cusub ee Dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya kadib markii la sheegay in xilkii laga qaaday Safiirka hore ee UK u qaabilsanaa Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay UK ayaa lagu sheegay in Fender uu xilka kala wareegi doonaa David Concar, marka la gaaro bisha Febraayo ee soo socota. Concar ayaa la sheegay in xil kale oo diblomaasiyeed uu u wareegi doono, inkasta oo aan shaaca laga qaadin.