Somali News

UK oo walaac ka muujisay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

Dowladda UK ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda Geeska Afrika ee ka dhalatay heshiiskii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Heshiiskaas is-afgaradka ayaa Muuse Biixi uu sheegay inuu dhul-badeed 20 km ah kaga kireynayo Itoobiya, taas beddelkeedna Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsaneyso Somaliland.

“UK waxa ay ka walaacsan tahay xiisadaha kasii daraya ee Geeska Afrika. Waxaan dib u xaqiijineynaa ixtiraamka buuxa ee aan u heyno madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda UK ee Muqdisho.

Safaaradda ayaa ku baaqday is-xakameyn iyo si nabad leh loo xalliyo arrintan.

Dalka UK ayaa ayaa noqnaya dalkii ugu dambeeyey ee taageera madax-banaanida Soomaaliya. Waxaa horey Soomaaliya u taageeray Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta, Turkey iyo Mareykanka.